Qaramada midoobay oo shir looga hadlaayo burcad badeedka ku qabanaysa dalka kenya iyo wafdi ka socda isbahaysiga dib u xoreynta soomaaliya oo isna goob joog ah shirka looga hadlaayo arimaha burcad badeedka soomaaliya.

Qaramada midoobay oo shir looga hadlaayo burcad badeedka ku qabanaysa dalka kenya iyo wafdi ka socda isbahaysiga dib u xoreynta soomaaliya oo isna goob joog ah shirka looga hadlaayo arimaha burcad badeedka soomaaliya.

  • By :
  • Category : Uncategorized
  • Comment : 0
Qaramada midoobay oo shir looga hadlaayo burcad badeedka ku qabanaysa dalka kenya iyo wafdi ka socda isbahaysiga dib u xoreynta soomaaliya oo isna goob joog ah shirka looga hadlaayo arimaha burcad badeedka soomaaliya.

image

Nairobi Kenya 09/12/2008.Shir socon doono labo maalin oo caalami ah isla markaana looga hadlaayo arimaha burcad badeedka Soomaaliya ayaa maalinta berito laga furayaa magaalo madaxda dalka Kenya ee Nairobi sida uu sheegay maanta ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee arimaha Soomaaliya mudane Ahmed Wallad Abdalla.

Warqad qoraal ah oo ka soo baxday xafiiska siyaasada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in shirka ay soo qaban qaabiyeen UN, dalka Kenya-na martigalinayso, isla markaana uu furmi doono Dec. 10-11, shir waxa uu aad diirada loogu saari doonaa arimaha burcad badeedka Soomaaliya, taas oo la xiriirta in xal loo helo xasilooni la’aanta ka jirta dalka Soomaaliya oo ay dagaalada sokeeye halakeeyeen.

Waa cadahay dhibaatada burcad badeeda xeebaha Soomaaliya sida loogu baahan yahay in xal loo helo dhibaatada ka jirta Soomaaliya ay sabab u tahay in caalamka dhan ka yeeshaan shir ayuu yiri wakiilka UN ee Soomaaliya  mudane Ould-Abdallah.

Waxaan wada rajaynaynaa shirkaan heerka sare ah isla markaana caalamiga ah inuu u horseedi doono in la ifiyo dhiibatada burcad badeedka ee biyaha Soomaaliya oo ah mid cabsi galinayso nabadgalyada jidka ( khadka) ay maraan maraakiibta ganacsiga
aduunka,isla markaana wada shaqayn buuxda dhaxmarto ka soo qayb galayaasha shirka, warbixinta waxaa kale lagu sheegay in shir ay yeelan doonaan gudi farsamo oo khabiira ah uu la socon doono biloowga shirka berito oo ay ka soo qayb gali doonaa wasiirada arimaha dibada dalal badan balse shirka uu si rasmi ah u furi doono madaxwaynaha dalka Kenya Mwai Kibaki.

Shirka heerka wasiir arimo dibadeed waxaa gudoomin doono wasiirka arimaha dibada dalka Kenya  Moses Wetangula iyo ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Soomaaliya Ahmed Wallad Abdalla, waxaan ka qayb qaadanaya wakiilo ka kala socda in ka badan 140, kuwaas oo ka kala imaan doono 40 wadan, kuwaas oo isugu jira kuwa gobaleed iyo kuwa ururo caalami ah.

Ould-Abdallah waxaa uu aad u soo dhaweeyay shirka oo ku soo beegmay isla todobaadkan markii ugu horeysay Naval maraakiib ka socota European Union ay ilaalinayaa ama ka howl galayaan xeebaha Soomaaliya si ay ula dagalamaan  ama uga difaacan maraakiibta burcad badeedka Soomaaliya, kuwaas loo bixiyay Operation Atlanta .

Shirka waxaa kale oo ka qayb galaya oo lagu casumay sida aan ku ogaanay ilo wargal in shalayto ay magaalada Nairobi soo gareen sadax masuul oo ka tirsan Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya iyagoo ka soo kicitimay dalka Jabuuti, xubnahaas ayaa kala ah: Mudane Mohamed Abdi Yusuf, Prof Gaandhi iyo Prof Tuuryare.

Wafdiga Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya ka socda ayaa kala hadli doono caalamka sida ay la maarmaanka u tahay in wax laga qabto maraakiibta sunta iyo qashinka ku shubta iyo kuwa sida sharci darada ah kaga kaluumaysta xeebaha Soomaaliya, Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya ayaa ka duwan kooxda Mbagathi marka ay kala hadlayaan beesha caalamka arimaha Soomaaliya, waxaana laga filayaa inay caalamka ka dhaadhiciyaan in burcad badeedka sababtey keentay in marka hore wax laga qabto kadibna loo soo jeesto kuwa dhibaatada ka wada Soomaaliya bad iyo bariga, madaama ay isku xiran yihiin.

Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya ayaa moodaa inuu helay ama haysto aqoonsi caalami ah halka aad moodo kooxda Mbagathi ka wadaan magaalada Baydhabo shirar iska soo kala horjeeda oo sababi kara burbur degdeg ah inuu ku yimaado kooxda Mbagathi oo owal ahaa hay’ad ay soo dhisatey Ethopia si ay Soomaaliya ugu qabsato dad aan matalin masiirka shacabkooda, balse aad moodo in maanta Ethopia ogaatey inay kaga lug siibato mowjadaha qaraxyada ah ee ay la beegsanayaan muqaawamada gobanimo doonka ah ee ka dagaalka kala soo horjeeda Ethopia gudaha Soomaaliya.

Shirkaan ayaa loogu magacdarey la dagaalanka  shirka caalamiga ee burcad badeedka Soomaaliya, ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa caalamka ka dhaadhicinaya in marka hore wax laga qabto dhibaatada ka aloosan gudaha Soomaaliya, taas oo horseedi karta in wax laga qabto dhibaatada burcad badeedka Soomaaliya ka wadaan badwaynta Hindiya iyo tan Golf Aden.

Somalidaxorta news desk

admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *